Zlatan Ibrahimovic Oo Gawaaridiisa Qaaliga Ah Looga Soo Qaadayo France Ka Dib Guri Uu Ka Helay Manchester.

0
307

Xiddiga Manchester Unuted Zlatan Ibrahimovic ayaa gawaaridiisa qaaliga ah ee qiimahooda uu gaarayo 1.5 milyan ginni waxaa looga soo qaadayaa France isagoo ka guuraya huteelka uu ka degan yahay Manchester dhamaadka isbuucaan.

Weeraryahanka reer Sweden ayaa guri kiro ah helay ka dib isbuucyo uu deganaa huteelka Manchester Radisson.

Manchester United ayaana bixineysa kirada gurigaas oo 20 kun ginni bishii ah taasoo qeyb ka ah mushaharkiisa 200 kun ginni isbuucii.

Zlatan Ibrahimovic

NINTCHDBPICT000256398680

Waxaa sidoo kale gawaaradiisa qaaliga ah sida Ferrari Enzo iyo Porsche 918 Spyder iyo kuwa kale looga soo qaadayaa Paris.

Zlatan oo la filayo inuu ciyaaro kulanka caawa lagu maamusayo waayaha ciyaareed ee Wayne Rooney ayaa maalmihii u danbeysay waxaa uu isticmaalayay gaari Mercedes ah oo darawal leh iyadoo gaarigaas uu ahaa mid hore loogu qorsheeyay macalinkii hore ee United Louis van Gaal.