Yuusuf Garaad iyo Dr. Khaleyr oo beeniyey in Mucaarad siyaasiyadeed Nairobi lagu unkayo

0
211

Ganacsata Nairobi ayaa xalay afur u sameeyay Madax, siyaasiyiin iyo dad kale oo isugu jira aqoonyahanno iyo shacab Soomaali iyo Kenyan ka kooban.

Waxay munaasabaddu ahayd wacdi, duco, isbarasho iyo in la isku guubaabiyo in nabadda laga shaqeeyo. Iyo in dowladda Kenya oo caasimaddeeda lagu qabtay munaasabaddana looga mahadceliyo taageerada ay la garab joogto Dowladda Soomaaliya iyo qaxootiga ay dalkeeda ku marti gelisay.

Fikirka shirku ka dhashay waxaan ka marneyn walaac ay qaban qaabiyayaasha qaarkood ay ka qabeen kala qoqobka iyo siyaasadda beeleysan ee beryahaan ay dadka qaar aad u buun buuniyeen. Farriin aan afka laga sheegin waxay ahayd in la muujiyo is dhex gal dad aanay ka dhexeyn wax aan ahayn Soomaalinnimo.

Shirkaas waxaa goob joog ka ahaa saddex Ra’iisal Wasaare oo madax ka soo noqday Soomaaliya, Dr Cali Khaliif Galaydh, Dr. Cali Maxamed Geeddi iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Waxaa kaloo joogay Cabdiwahaab Ugaas, Prof. Maxamed Cabdi Gaandhi, Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow. Waxaa iyaguna joogay Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo General Darwiish oo midba mar Madax u noqday Sirdoonka Soomaaliya, iyo xildhibaanno fara badan ayaa iyaguna fadhiyay. Waxaa goobjoog ahaa hawlwadeenno la shaqeeya Madaxda ugu sarreysa dalka Soomaaliya.

Dhinaca Kenya waxaa ka soo qeyb galay afar xildhibaan oo uu ku jiro Ilyaas Barre Shiil oo hadda ka hor dhowr jeer tegey Soomaaliya. Afartuba khudbado talo iyo dhiirri gelin isugu jira ayay goobta ka jeediyeen. Siyaabo kala duwan ayay u cabbireen dib u dhaca Soomaaliya uu dagaalka sokeeye u keenay iyo sida uu iyaga laftooda u saameeyay.

Waxaa suuqa si xoog leh loo geliyay, oo Dowladda Soomaaliyana ay ilo kala duwani ku wargeliyeen in shirka ujeeddadiisu ay tahay in lagu mucaarado dowladda Soomaaliya. Waxaa la sheegay in shirka ay wadatay Jubilant, iyadana lagu taageerayo.

Ilaha qaar is-been-farriimay waxay suuqa sii geliyeen in Isbahaysi mucaarad ah halkaa looga dhawaaqi lahaa laakiin ay dowladda Kenya is-hor taagtay ka dib markii dowladda Soomaaliya ay ka cabatay.

Wax kasta oo dowladda laga siistay in sidaas loogu warramo, haddana kulanka ujeeddadiisa dhabta ahi ma ahayn wax dhaafsiisan inta goobta ka dhacday. Haddii wax sidaas weydaaran ay madasha ka dhici lahaayeen, waxay ahaan lahayd khiyaamo maaddaama aan hore loogu ballamin.

Sababaha taas caddeynaya waxaa ka mid ah, in uusan jirin kulan ay hore isugu yimaadeen siyaasiyiinta kulankaas goob joogga ka ahaa, qaarkoodna ay meesha isku barteen, marka laga reebo laba ama saddex qaban qaabada iyagu lahaa.

In aanuu ahayn wax dowladda laga qarinayana waxaa u markhaati ah in ay fadhiyeen hawlwadeenno ka tirsan xafiisyada ugu sarreeya Soomaaliya, welibana aan laga qarin ee lagu marti qaaday Danjiraheenna Nairobi, shirkana uu xiriirye ka ahaa mas’uulka shakrikad la shaqeysa Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Mida kale anigu ma ogi mowqifka siyaasadeed ee mideyn kara dadkaas oo dhan oo aan ka ahayn taageerada Qaranka iyo Dowladda Soomaaliya

Xigasho Bogga Yuusuf Garaad ee Facebook.