Yaa u sabab ahaa guuldaradii Gen. Moorgan ku dhacday ee doorashadii aqalka sare?

0
182

Garowe(INO)- Generaal  Maxamed Siciid Xirsi Moorgan ayaa guuldaro aan la fileyn oo siyaasadeysan kala kulmay tartankii doorashada xubinada aqalka sare, waxaana kursigaasi kaga guuleystay Bootaan Barre Samatar oo miisaan ahaan gaarin Gen. Moorgan.

Inkastoo toddobaadkan QM iyo daneeyeyaasha Somalia ay ka digeen in hoggaamiye kooxedyadii Somalia lagu soo daro aqalka sare ayaan dhaqan gelin iyadoo maamulada Galmudug iyo Jubbaland ay ka soo galeen hoggaamiye kooxeedyo la yaqaan.

Dhanka gudaha Puntland waxaa la filayey in Moorgan uu ku guulaysanayo kursigan balse taasi ma noqon sidii la filayay oo 38 Xildhibanada Puntland ah ayaa codkooda siiyey Bootaan Barre Samatar halka Moorgan uu helay 27 cod.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in guuldarada Moorgan ee kursi aqalka sare uu gacan weyn ku leeyahay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xulafadiisa barlamaanka Puntland.moorgan
Madaxweyne Gaas ayaa dalka dibada ugu maqan isagoo dhawr maalmood ka hor ka dhoofay Puntland  safarna ugu baxay Dubai wallow la sheegayo inuu hadda ku sugan yahay dalka Ethoipia uuna diiday in uu Puntland ku soo noqdo inta ay kala hagaagayaan xergihii uu xirxiray.

garowe-musharaxiin-aqalsare-8

Morgan wuxuu ku sugna Garoowe muddo 5 bilood gaaraysa si uu u helo Kursiga aqalka sare, waxaana Madaxweynaha Puntland uu ka balan qaaday in uu ka seexdo oo uu helayo laakin Morgan looma rumeen riyadiisi.

Generaal Moorgan ayaa hore u soo noqday wasiirka difaaca Somalia xilligii dowladdii milatarigu dalka maamulaysay Iyo Qab qable Dagaal oo Xasuuq Tartiib Tartiib ah ka geystey Koonfurta Soomaaliya iyo Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.