Goor dambe oo xisbigii uu meel fiican gaarsiiyey halgankiisii gobanimo doonka ayaa waxaa geeriyoodey xoghayihii xisbiga Yaasin Xaaji Cusmaan Sharma’arke waxaana uu ku dardaarmey in jagadiisii loo magacaabo Halgame
Cabdulaahi Ciise Max’uud oo xiligaasi ahaa wakiilkii SYL ee magaalada Baladweyne. halkaasi ayaa laga soo wadey Cabdulaahi Ciise waxaana uu qabtey jagada xoghayaha guud ee SYL, isagoo hayey xilkaasi ilaa iyo ay SYL ay keentey guusha xoriyada ummada Soomaaliyeed, waxaana Cabdulaahi Ciise loo magacaabey Ra’isalwasaarihii xukuumada daakhilga aheyd ee Soomaaliya intii aan xoriyada si buuxda loo qaadan
Guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaase nasiibdarro ah inaan hananweeynayn xorriyaddii iyo dowladnimadii.
Dhinaca kalena waxaa taasi ku lamaansan daqaro, haarro & wadno goyn weyn oo xiligan lagu hayo midnimadii dadka iyo dalka Soomaaliyeed, iyadoo ay dhici karto awlaadii 13-ka dhalinyaro ee SYL ay maanta ku lug leeyihiin in dalka loo kala googooyo iyadoo ay haatan soo kordhayaan nidaam cusub oo ah in tuulo, degmo & gobolka kasta uu sheegto dawlad taasi oo ay u sii dheertahay toabaan calan & tobanaan madaxweyneyaal oo ay yar tahay in maskaxdooda ay ku jirto dawlad loo dhan yahay, midnimo & qaranimada Soomaaliyeed.
Waxaa nasiib daro weyn ah in 13-kii dhalinyarada SYL ee hormuudka u ahaa horiyada Ummada Soomaaliyeed oo qaarkood ay ka yaraayeen 20 sano halkii ay ka diideen guumeysi in dalka uu sii xukumo inay jiraan siyaasiyiin ka da’a weyn, ka aqoon badan, ka waayo aragsan in aanay laheyn haykal & himilo qaranimo ayna dhici karto in caasimado ajanabi ah inay laga maamulayo amaba ay dhici karto inay ka sugayaan wixii ay dalkooda u sameyn lahaayeen.
Idale News Online.