Xukuumaddda Trump oo racfaan ka qaadatay xukunkii la isku hortaagay amarkii dhoofka muslimiinta

0
195
US President Donald Trump (C) waits at his desk before signing confirmations for James Mattis as US Secretary of Defense and John Kelly as US Secretary of Homeland Security, as Vice President Mike Pence (L) and White House Chief of Staff Reince Priebus (R) look on, in the Oval Office of the White House in Washington, DC, January 20, 2017. / AFP / JIM WATSON (Photo credit should read JIM WATSON/AFP/Getty Images)

Washington(INO)- Daqiiqadihii u dambeeyey ayaa lagu dhawaaqay in waaxda cadaaladda ee Maraykanka ay racfaan ka qaadatay xukunkii uu riday xaakim jooga Seattle, kaasoo dhan ka ahaa amarkii uu Donald Trump ku joojiyey inay waddanka soo galaan dadka ka imaanaya 7 dal oo Muslim ah.

Hadalkan ayaa waxaa daba socday qoraallo uu Twitter soo dhigay Mr Trump, kuwaasoo uu ku cambaareeyey qaaddigii xukunka riday, wuxuuna ka digay in ‘dad xun oo khatar ah’ ay Maraykanka ku soo qulquli doonaan arrintaas darteed.

Shirkadaha dayaaradaha qaarkood ayaa mar kale u ogolaaday muwaadiniinta u dhalatay dalalka ay arrintan saamaysay inay raacaan dayaaradahooda u duulaya Maraykanka.

Dhanka kalena, banaanabaxyo dheeraad ah ayaa ka sii socday Washington, kuwaasoo looga soo horjeedo xayiraadda safarka ee uu xukuumaddu ay soo rogtay.

Banaanbaxyadaas oo kale ayaa ka dhacay magaalooyin kale oo Maraykanka ku yaalla sida Miami, iyo qaar ka mid ah caasimadaha dalalka Yurub.