Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Md. Xassan Sheikh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadiisu ay si gaar ah isha ugu eegi doonto shirarki ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalladda Muqdisho qodabadii kasoo baxay, waxa uuna sheegay in shirkii shalay kusoo idlaaday Muqisho uu ahmiyad gaar u leeyahya Xukuumadiisu.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaye xiritaanka shirweynaha qaran ee geedi socodka siyaasada Soomaaliya ayaa sheegay inay u taagan yihiin dhaqangelinta waxyaabaha shirka la isla gartay.
Wuxuu sheegay hogaamiyaha Soomaaliya in Dowladda ay ka go’an tahay isbedel dhab ah,xitaa hadii uu Madaxweynaha Soomaaliya uu mashquulo la dhaqangelinayo qodobada kasoo baxay shirkaasi oo dad kale oo masuuliyiin ah ay joogaan.
Inkastoo ay fudud dahay balan qaadka ah in la dhaqangelinayo qodobo waliba oo kasoo baxa shir la isugu yimaada,ayaa hadana su’aasha waxa ay tahay sidee loo dhaqangelin karaa.
Dadka odorosa siyaasada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda ay ufudud dahay qabashada shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya balse ay ku adag tahay dhaqangalka qodobada kasoo baxa shirkaasi oo ugu dambeyn looga dhaqaaqo halka ay kasoo baxaan.
Idale News Muqdisho