Xukuumada oo si Ded badan utaageertay Shariif Xasan sh.Aadan

0
183

Xog la helay ayaa waxay sheegeysaa in warqad kasoo baxday Xafiiska Ra’iisalwasaaraha Somaliya Dr C/weli Shiikh Axmed Maxamed oo looga hadlay xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo waxaana warqada ay u qorneyd:

  • In dhamaan dhinacyada kusugan magaalada Baydhabo looga digayo inay sameeyaan tallaabooyin rabshado leh
  •  In gobolka koox ama qof kasta oo abuura xasilooni daro inay taallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan.
  •  Dawlada Federaalka Somaliya waxay amreysaa in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM inay qaadaan tallaabo kasta oo muhiim ah oo lagu adkeynayo Nabad gelyada si loo bad baadiyo muwaadiniinta.
  •  Dawlada Federaalka waxay go’aansatay inay qabato shir wadatashi ah ayna kasoo qeyb galayaan hogaamiyeyaasha siyaasada iyo kuwa dhaqanka ee kasoo jeeda Baydhabo kulankaasi dawlada federaalka ayaa hogaamin doonta.
  •  Dawlada ayaa kulankaasi waxay ku dhiseysaa Road map ama qariirad lagu dhisayo maamul kumeel gaar ah ay ku mideysan yihiin seddexda gobol ee kala ah Shabellaha hoose,Bay iyo Bakool.
  •  Dhismaha maamulkaan seddexda gobol loo sameynayo waxa si gaar ah uga qeyb qaadan doona oo xil iska saaraya dadaalkiisa Ra’iisalwasaaraha Somaliya Dr C/weli Shiikh Axmed iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.
  •  Dawlada Federaalka Somaliya waxay soo dhaweyneysaa taageerada iyo wada shaqeynta Beesha Caalamka ay siineyso dawlada Somaliya si ay uga gudubto xaalada adag ee dalka ka jirta.

Warqadaan kasoo baxday Xafiiska Ra’iisalwasaaraha Somaliya Dr C/weli Shiikh Axmed Maxamed ee kusaabsan xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxay timid kadib markii mas’uuliyiinta dawlada ugu sareysa ay kulan ka yeesheen arimaha Baydhabo kasoo cusboonaaday.

Labadii maalin ee lasoo dhaafay dibadbaxyo iyo rabshado  ayaa ka taagnaa magaalada Baydhabo kuwaas oo salka ku haya khilaaf udhaxeeya maamulada Lixda gobol iyo kan Seddexda gobol ee la doonayo in la dhiso.

BAYDHABAO MAANTA

Idale News Online. Muqdisho.

Isha: Idaacada kulmiye.