Mogadishu (INO) – Maalin un kadib markii ra’isul wasaare xasan cali kheyre uusoo magacaabay golahiisa wasiiradda ayaa waxaa soo kordhaya mucaaradada ay la kulmeyso xukuumadda cusub ee kheyre uu soo dhisay.
Shalay ilaa iyo maanta magaalada muqdisho waxaa aad uga dhacaayay kulamo gaar gaar ah oo lagu diidanyahay wasiiradda cusub ee kheyre uusoo magacaabay iyadoona dadka diidan ay u badanyihiin xildhibaanada baarlamaanka soomaliya.
Ku dhawaad 140 xildhibaan oo baarlamaanka soomalia ka tirsan ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada muqdisho iyadoona kulankaasi looga dhawaaqay kudlad loogu magacdaray bad baado qaran.
Kulanka oo ka dhacay hotelka SYL ee magaalada muqdisho ayaa xildhibaanada waxa ay ku shaaciyeen in aysan ansixin doonin wasiiradda cusub ee xukuumadda ra’isul wasaare kheyre iyadoona ay xusid mudantahay in xildhibaanada diiday xukuumadda ay yihiin kuwii ka shaqeeyay is-bedelka dalka ka dhacay ee lagu doortay madaxweyne farmaajo.
Madaxweyne farmaajo oo dalka kenya ku sugan ayaa la sheegay in uu aad uga damqaday mucaaradada xoogan ee ka hortimid xukuumadda ra’isul wasaare kheyre .
Xog hoose oo aan ka helnay ilo ku dhaw dhaw madaxweynaha ayaa waxa ay sheegeysa im Madaxweyne farmaajo uu xalay si deg deg ah ula soo hadlay ra’isul wasaare kheyre isagoona ka dalbaday in uu dib uga laabto xukuumadda uusoo dhiso maalin ka hor.
Madaxweynaha ayaa ra’isul wasaare kheyre u sheegay in xukuumadda ay dareen xoogan ay ka muujiyeen xildhibaanada baarlamaanka iyo shacabka soomaliyeed sidaas darteedna uu ka laabto wasiiradda uusoo magacaabay .
Ra’isul wasaare kheyre ayaa la sheegay in uu madaxweynaha ka codsaday in uu siiyo fursad muddo laba maalmood ah oo uu kusoo xaliyo cabashada ka dhalatay wasiiradda uusoo magacaabay waxaana ra’isul wasaaraha uu madaxweyne farmaajo u balan qaaday hadii labadaas maalmood uu wax ku qaban waayo uusoo magacaabo doono wasiiro cusub xukuumadda hada dhisana uu ka laaban doono sida aan xogta ku helnay.
Madaxweynaha ayaa aqbalay soo jeedinta ra’isul wasaare kheyre ee ku aadan in fursad uu siiyo mudo laba maalmood ah si uu xal uga raadiyo xildhibaanada baarlamaanka iyo siyaasiyiinta mucaaradsan xukuumaddiisa.
Ra’isul wasaare kheyre wuxuu heystaa xildhibaanno gaaraya 70 xildhibaan oo ku qanacsan xukuumadda uusoo dhisay waxaana ka horyimid ku dhawaad 140 xildhibaan taasi oo ka dhigan in xukuumadda kheyre ay halis ugu jirto in laga soo diido baarlamaanka soomalia.
Kheyre ayaa isla xalay bilaabay in uu shaxaax ka raadiyo xildhibaanada baarlamaanka iyo waxgaradka qaar kamid ah beelaha waxaana uu doonaya in xukuumaddiisa taageero loo muujiyo.
Ra’isul wasaare kheyre wuxa uu xalay hooygiisa magaalada Muqdisho ku booqday imaamka beesha Mudulood imaam Maxamed Yusuf Cali waxaana booqashadaas Ra’sal wasaaraha ku wehliyey xubnaha goaha wasiirada uga jira beesha Mudulood iyo labadooda gole.
Imaamka iyo ra’isul wasaaraha ayaa waxa ay ka wada hadleen arimaha xukuumadda cusub iyo sidii uu taageero ugu muujin lahaay imaamka wasiiradda lasoo magacaabay.
Kulanka oo in mudo ah socday ayaa waxaa la sheegay in dood dheer kadib imaamka beesha mudulood imaam maxamad yuusuf cali uu muujiyay taageero waxooga aan badneyn oo xukuumadda cusub ah.
Xukuumadda kheyre oo dhisan mudo 48 saacadood ayaa waxa ay la kulantay mucaaradadii ugu xooganeyd abid ee xukuumad cusub lagaga hortago.
Ugu dambeyn ra’isul wasaare kheyre ayaa waxaa u harsan mudo laba maalmood ah oo uu qabsaday si uu xal ugu raadiyo xukuumadda muranka badan dhalisay ee maalin ka hor uusoo magacaabay.
Idale News ONline Mogadishu, Somalia