Xubno ka mid ah Baarlamanka Soomaaliyeed ayaa ugu digay Xasan sheekh Maxamuu inuu gor gortan uusan kala galin Xukuumada Kenya inay kala hadasho Biyaha Soomaaliya.
Dadka Soomaaliyeed ayaa waxay qabaan tuhun ah in Dowlada Kenya ayaa u xusul duubaysa in Dowlada Cusub ee Soomaaliya ee Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud mar kale hordhigto heshiiska muranka dhaliyey Badda Soomaaliya .
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliyaa ayaa ugu baaqay Madaxwaynaha inuusan ku kabsoomin ama uusan isku dayin aqbalka heshiiska Keya ay ka doonayso Xukuumadiisa.
Weli laga oga siyaasada Madaxweynaha ee ku aadan arrintaan badda Soomaaliya iyo xiriirka Kenya iyo dowladiisa sida uu noqon doono. Kenya ayaa ka soo qeybgalin xaflada caleema saaarka Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo ay safka hore uga jirtey dowladihii casumaada loo fidiyey.
Kenya waxay xiriir aad u fiican la leedahay Maamulada Puntland iyo weliba kuwa la doonaayo in laga dhiso Koonfurta Soomaaliya, waxaana wadanka Soomaaliya ka jooga kumaan ciidamadeeda ah oo dagaal kula jira xarakada Alshabaab, iyagoo sidoo kalena taageera u muujiynaayo xoogaga ay taageerta iney dhistaan maamul goboleed ay xiriir dhow yihiin. Kenya waxaa ku taageersan howsha ay koonfurta ka wado wadamo badan oo reer galbeedka ah sida sida EU aiyo Mareykanka.
Idale News Muqdisho