Xoogaga Shabaab, ayaa waxay xalay dileen Sarkaal ka tirsan Laanta Dembi Baarista ee Booliska Kenya, waxayna ku dileen deegaanka Libooyo oo ku dhow xuduuda Somaliya ay la wadaagto Kenya.
Libooyo waxay deegaan ahaan ka tirsan tahay Magaalada Garissa ee Xarunta Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, isla-markaana Xoogagii Shabaabka ee weerarka geystay, ayaa la xaqiijiyay inay baxsadeen.
Sarkaalka la dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mohamed Siraj Adan Yarow, waxaana dilkiisu uu ka dhacay inta u dhaxeyso Masaajidka iyo hoygiisa.
Musa Yego, Taliyaha Dembi Baarista ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, ayaa wuxuu xaqiijiyay geerida Sarkaalka, iyadoo uu xusay inay dileen dabley aan heybtoodu la aqoonsan.
Xildhibaan Maxamed Daahiye Ducaale oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya, ayaa wuxuu sheegay in laamaha ammaanka ay wadaan baaritaano la xiriira kuwii dilka geystay.
Xildhibaanka oo wareysi siiyay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa waxa uu tibaaxay inaan la garanayn kuwii dilka geystay, marka laga reebo in Boolisku ay u sheegeen in la wado baaritaano ku aadan.
Dhanka kale qoraal kooban oo ay soo saartay Al Shabaab, ayaa waxay ku sheegtay inay iyadu ka dambeysay dilka Sarkaalka ka tirsanaa Laanta Dembi Baarista ee Booliska Kenya.
Al Shabaab, ayaa waxaad mooddaa inay maalmahaan dambe soo noolleysay weeraradii ay ka waday qaybo ka mid ah dalka Kenya.
Idale News, Nairobi