Mandheera(INO)-Ururka Mayalka adag ee Al Shabaab ayaa waxa ay ku hanjabeen inay kordhinayaan weerarada iyo falalka amnidarada ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya, xilli Jimcihii Shabaabka ay weerareen Guddoomiyaha Mandheera ee Dowladda Kenya.
Afhayeenka dhinaca howlgalada Ururka Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Warbaahinta Shabaabka, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Shabaab ay u bisil yihiin kordhinta weerarada ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya.
Waxa uu sheegay in ciidamada Shabaab dharaar cad iyo habeen madoow labada ay qaadayaan weeraro ka dhan ah ciidamada Dowladda Kenya iyo masuuliyiintooda, maadaama ay ku soo xadgudbeen gudaha dalka Soomaaliya.
Abuu Muscab, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Shabaab ay shaqo ka dhigan doonaan bartilmaameedka ciidamada Kenya oo uu sheegay inay ku beegsan doonaan gudaha dalka Soomaaliya iyo gudaha dalka Kenya.
Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday Jimcihii Kolonyo, gaadiid oo uu la socday Guddoomiyaha Degmada Mandheera, waxaana weeerarka uu ka dhacay deegaanka Carabiya oo qiyaastii 30km u jirta Degmada Mandheera. Waxa uuna weerarku dhacay xilli Gudoomiyaha la sheegay inuu ku wajahnaa Degmada Ceelwaaq.
Mintidiinta Shabaab ayaa si toos ah weeraro gaadmo ah iyo kuwa awood ah ka geysta gudaha dalka Kenya, xilli duleedka Magaalada Mandheere sanadkii 2014 ay ku dileen dad badan.
Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dowladda Kenya diyaar u tahay wada hadalo, ay la furto Ururka Al Shabaab.