Qandala(INO)- Xoogagii Ururka Daacish ee Arbacadii la wareegay gacan ku haynta Degmada Qandala ee Gobolka Bari, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay isaga baxeen Degmadaasi.
Xoogagan oo tiradoodu lagu qiyaasay illaa 50 nin, ayaa xalay isaga baxay Degmada Qandala, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.
Markii Xoogaga Daacish ay shalay qabsadeen Degmadaasi, ayaa waxay taasi baqdin ku dhalisay dadka deegaanka, kuwaa oo qaarkood ka cararay guryahooga, iyagoo ka baqdin qaba dhibaato kaga timaada Daacishta Somaliya.
Sheekh C/qaadir Muumin Cali, Madaxa Ururka Daacish ee Somaliya, ayaa Arbacadii lagu arkay gudaha Degmada Qandala, isagoona ka soo muuqday kulan ay Degmadaasi kula qaateen Odayaasha Dhaqanka Deegaanka.
Ciidamada Maamulka Puntland, ayaa isla Arbacadii bilaabay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah dagaal-yahanada, ee la wareegay gacan ku haynta Qandala.
Gudoomiyaha Gobolka Nugaal, Cumar C/laahi Maxamed (Faraweyne) oo Warbaahinta kula hadlaayay Magaalada Garoowe, ayaa sheegay in Puntland dib u xorayn doonto Degmada Qandala.
Mudadii ay dagaal-yahanada Daacish ku sugnaayen Degmada Qandala, ayay Calankoodu ka taaggeen Xarunta Degmada iyo Saldhiga Booliska, sida uu xaqiijiyay Jaamac Maxamed Muumin, Gudoomiyaha Degmada Qandala.