Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo Xalay Weeraray Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan

0
822

Halgan(INO) — Xoogagga Al-shabaab, ayaa lagu waramayaa inay weerar xoogan xalay ku qaadeen fariisimo ciidammada dowladda iyo kuwa howlgalka Midowga Afrikaa ee AMISOM ku lahaayeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Goob joogayaal aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab dhowr jiho ka soo weerareen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM.

“Dagaalka muddo ayuu qaatay, waxaan maqlneynay dhawaqa rasaasta ay labada dhinac is-weydaarsaneyeen, dabcan khasaaraha soo kala gaaray ma garan karo Aniga,” ayuu yiri.

Laakiin mas’uuliyiinta maamulka degmada ayaa ku tilmaamay dagaalka mid aan sidaa u sii cusleyn, dhinaca kalana jirin wax khasaaraha oo uu geystay.

Dagaalkaan xalay ka dhacay Halgan, ayaa imaanaya xilli maalin ka hor Dulleedka Buula-burte dagaal culus ku dhaxmaray ciidammada dowladda oo gacan militari ka helaya kuwa howlgalka AMISOM iyo Al-shabaab, waxaana dagaalkaa ku naf waayay ilaa 7 ruux oo ka kala tirsanaa dhinacyadii iska horimaadku dhaxmaray.

Idale News Online, Baledweyne