Xoghayaha ururka NUSOJ oo noqday Maxamed Ibraahim Macalimuu

0
376

Muqdisho{INO}Wararka inaga soo gaaraya Hotel City Palace ayaa waxa ay sheegayaan in Xoghayaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ uu ku guuleystay Maxamed Ibraahim Macalimuu, kadib markii markii tanaasulay musharixii la tartamayay Cali Baashi C/laahi.

Daqiiqado ka hor ayay aheyd markii Maahir Aadan Jaamac uu ku guuleystay Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Wariyaha Idaalenews.com Abshir Maxamed Nuur Mandeela ee ku sugan Hoolka ay Doorashada ka dhaceyso ayaa waxa ay soo sheegayaan in hada loo guda galay Doorashada Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee NUSOJ oo ay u tartamayaan ilaa iyo 3 Musharax iyo Gudoomiye ku xigeenka 2-aad oo ay utartamayaan 2 Musharax.

W/Q:Wariye Siidcali Muuse Maxamed {Ateera}