Xogaga Al-shabaab oo Degmada Marka Weeraray.

0
185

Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ayaa Xalay Weeraray Fariisimo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Duleedka Degmada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Teaser Image Al-shabaab oo Degmada Marka WeerarayWararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Weerar Gaadmo ah ku soo qaadeen  Fariisimo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay ku leeyihiin  Degmada Marka.

Dagaalka oo mudo soconayey ayaa lagu soo waramayaa in uu geeystay Khasaaro dhimasho iyo Dhaawac leh.

Sargaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo lagu Magacaabo Asad Khaliif ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka Labo Askari Ciidamada Dowladda ay oga dhaawacmeen,Al-shabaabna  ay ka Dileen tiro Dagaalyahano ah.

Waxaa uu intaa raaciyey in ay jiraan Khasaaro nafeed oo soo gaaray Dadka Shacabkaa ee ku nool Qeyb ka mid ah Degmada Marka.

Degmada Marka ayaan waxaan ku cusbeyn Weerar ay Maleeshiyada Al-shabaab Al-Qaa’ida ay ku soo qaadaan.

Idale News  online – Markacadey.