XOG : Xilligi Axmed Madoobe ee Dekada Kismaayo uu wareejin lahaa oo dhamaaday.

0
186

Heshiiskii Dowladda Somaaliya iyo Maamulka Jubba ay Magaalada Adis Ababa ku wada gaaren 28-kii August waxaa kasoo baxay 23-qodab oo ay kamid ahaayee

1- In maamulka Jubaland magaciisa laga dhigo Maamulka Kumeelgaarka ah ee Jubba, waxaana maamulkaasi hoos imaan doona Sadexda Gobal ee Gedo, J/Dhexe iyo J/Hoose

2- Maamulkan wakhtigiisana noqoto 2 sano, waxaana marka la dhameystiro maamulkada Federaalka sida Dastuurka qabo maamulkan isu bedali doonaa Maamul Gobaleed Federaal ah

3- Dekkada Kismaayo iyo Airporka waxaa lagu wareejin doonaa dowlada Federaalka lix bilood gudahood, dowlada Federaalka ayaa guddi usoo dhisi doonta iyadoo la tashaneysa maamulka Jubba, balse inta xiligaasi laga gaarayo 6da bilood ee soo socda waxaa dekkada iyo Airporka sii maamuli doona maamulka hada gacanta ku haya. Dowlada Federaalka ayaa soo magacaabi doonta Saraakiisha Waaxda Socdaalka ee ka hawlgalaya Xarumahaasi.

4-Hogaamiyaha maamulkan waxaa hoos imaan doona maamulada Gobalada Gedo, Jubada dhexe iyo Jubada Hoose.

Hadaba maanta oo ah 28-ka febraury waxa ay ku beegan tahay waqtigii lagu balamay in Dekada iyo Garoonka Kismaayo uu soo galo gacanta Dowladda ilaa hadana labada dhinac kama aysan hadlin arinkaasi oo waxa ay u egtahay in la iloobay

Hogaamiye ku xigeenka Maamulka Kmg ah ee Jubba C/qaadir Sheikh Ismaaciil fartaag mar shalay Wariyaasha ay Kismaayo ku weydiiyen su’aal arinkaasi ku saabsan ayuu kaga jwbay in heshiiska uu sidiisii yahay balse labad dhinac ay ku mashquulen howlo kale sida la dagaalnka Xarakada Al-Shabaab

Hadii qodabkan uusan hirgalin waxa uu kamid noqonayaa qodobo heshiiska ku jiray oo aan la fulin.

axmed-garoowe

Idale News Online,Kismaayo.