XOG: Madaxweyne Shariif Xasan Oo 10-Oktobar Ku Dhawaaqaya Madaxweyne Ku Xigeenka KGS +Magaca

0
181

Baydhabo(INO)- Xog Hoose oo ay heshay shabakadda Wararka IdaleNews.com ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu Dhowaan ku dhawaaqi doono madaxweyne ku xigeenka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xogtan aan ka soo xiganay ilo aad loogu kalsoon yahay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden  uu go’aan ku gaaray in uu xilka Madaxweyne ku xigenka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu u magacaabo Maxamed Xasan Fiqi oo hadda ah wasiirka Beeraha iyo Waraabka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Ka Soojeeda Beesha Biimaal.

Ilaha warkan aan ka soo xiganay ayaa intaa ku daray in madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya uu 10-ka bishan Oktobar ku dhawaaqi doono in Maxamed Xasan Fiqi jagadaas loo Magacaabay.

Ugu Dambeyntii, Idale News Online si buuxda uma xaqiijin karto in magacaabista ay sidaas u dhaceyso, waxaana dhici karta in ay wax iska bedelaan.