XOG: Maamulka Shabelle State oo Magacaawey wasiirro iyo guddoomiyaha magaalada Marko?

0
200

Wixii ka dambeeyay markii magaalada Marko ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose ay gaareen wafdi sare oo ka socda maamulka Shabelle State labo maalmood ka hor ayaa waxaa la magacaabay ilaa iyo dhowr wasiir oo uu maamulkaasi yeelanayo.

Madaxweynaha maamulkaasi Abuukar Mardaadi ayaa sheegay in isaga oo ku taagan dastuurka maamullada iyo qodobada u degsan maamulkaasi Shabelle State uu magacaabay todobo wasiir iyo hal gudoomiye oo loo magacaabay degmada Marko.

Shabelle state

Wasiirada uu lahaan doono maamulka Shabelle State waxaa ay ka koobnaan doonaan ilaa iyo 15 wasiir waxaana sida horudhaca ah uu u magacaabay madaxweyne Mardaadi todobo wasiir iyo guddoomiyaha magaalada Marko.

Jagooyinka wasiirada ee magacaabay waxaa kamid ah wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee maamulka Shabelle State oo loo magacaabay Maxamed Abuukar Cali(Jacfar) oo ahaa guddoomiyihii hore ee degmada Howlwadaag.

Warar hoose oo aynu helnay ayaa sheegaya in sidoo kale la magacaabay lana magacaabayo guddoomiyeyaashii hore dad kamid ah.

Ninka loo magacaabay magaalada Marko ayaa ah nin u dhashay beesha Biyomaal iyadoo dowladda Soomaaliyana halkaasi uu ugu magacaaban yahay Maxamed Cismaan Yariisow hase yeeshee maamulka Shabelle State ayaa isbidaya awood ka baaxad weyn tan maamulka gobalka Shabeellaha Hoose dowladda.

Idale News Online, Markacadey.