Xog Cusub:Ciidamada Kenya oo aargudasho ahaan u toogtay arday badan oo Soomaali ah

0
351

Garisa(INO)-Ciidamada amniga Kenya ayaa si ku tala gal ah u toogtay qaar ka mid ah ardaydii Soomaaliyeed ee kasoo baxsaday weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday jaamacadda Gaarisa, xog cusub ayaa sidaas shaaca ka qaaday.

Mid ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee kasoo baxsaday weerarka oo lagu magacaabo Ibraahim Xasan, kaasi oo hadda qaba dhaawac kasoo gaaray rasaas ay fureen ciidanka Kenya ayaa u sheegay warbaahinta kenya in saraakiisha ciidamada Kenya isku dayeen inay toogasho ku dilaan balse uu ka badbaaday.

“Markii ay ciidanka banaanka jaamacadda ku sugnaa arkeen in ardayda kasoo baxaysaa jaamacadda ay yihiin muslim, gaar ahaan Soomaali ayay billaabeen inay rasaas ku furan si kutala gal ah oo ujeedkana uu ahaa inay aargudasho ahaan noo dilaan” Ayuu sheegay Ibraahim.

Wuxuu sheegay in ay ciidamada Kenya ay fureen rasaas badan, oo arday qaar ay ku dhinteen, balse asaga uu dhaawac kasoo gaaray.

“Waxaan xaqiijinayaa inay jiraan arday badan oo ku dhintay ama ku dhaawacma weerarka, waxaana codsan lahaa in arrintaas lagu sameeyo baaritaan” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in jaamacaddu ay aad u weyn tahay ayna ardayda kasoo baxayeen dhinacyo badan oo qaarkood ay ciidan difaac uga jireen, sidaa darteedna ficilladooda aanay arki karin dadkii meesha isugu soo baxay.

143 ka mid ah 147 arday ee lagu dilay weerarkii jaamacadda Gaarisa waxay ahaayeen arday, kuwaasi oo u badnaa Kenyan-ka gaalada ah.

Idale News Onlinem Garisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here