Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta tagay Xarunta Guddiga doorashooyinka madaxa banaan, halkaasoo uu ka soo qaatay xeerka asxaabta siyaasadda iyo shuruudaha diiwaan gelinta Xisbiyada siyaasadeed.
Xisbiga talada dalka haya ayaa la filayaa in dhowaan lagu dhawaaqo, iyadoo in muddo ah soo socotay diyaar garowga Xisbiga dowladda ee Nabad Iyo Nolol oo la filayo inuu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo.
Labo maalin ka hor ayay aheyd markii magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Xisbi siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin Xildhibaano iyo Siyaasiyiin, isla markaana uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.
Soomaaliya ayaa u gudbeysa nidaamka xisbiyada, iyadoo dhamaadka sanadkan ay ku egtahay waqtiga diiwaan gelinta Xisbiyada siyaasadda dalka, waxaana doorashada sanadka 2020 ay noqon doontaa mid Xisbiyo ay ku tartamaan.