Xisbiga Mucaaradka ODM oo uga digay Kenya xiritaanka Xeryaha Qaxootiga

0
355

Nairobi (INO)—Xisbiga mucaaradka Kenya ODM ayaa uga digay Dowladda Kenya xirida Xeryaha Qaxootiga Dhabaab iyo Kaakuma oo ay ku nool yihiin Boqolaal kun Qaxooti ah, oo intooda badan ka soo cararay colaadaha Dalalka Soomaaliya iyo Sudan.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xisbiga mucaaradka Kenya ODM ayaa lagu cambareeyay talaabada Dowladda Kenya oo ay ku dooneyso in ay ku xirto Xeryahaasi Qaxooti.

Xeryahan ayaa Dadka Qaxootiga ah ee ku jira waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 400,000, waxaana talabaada lagu xirayo Xeryahahasi uu Xisbiga ku tilmaamay mid siyaasad, damiir iyo dhaqaalo ahaanba aan wanaagsaneyn.

Xisbiga mucaaradka Kenya ODM ayaa shaaca ka qaaday in xeritaanka Xeryahaasi Qaxooti ay yihiin mid lagu jibinayo Sharuucda Caalamka.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in Xeryaha Qaxootiga ee ku yaala Waqooyga dalka Kenya la xirayo maadaama ay soo bateen Weerarada ay geysanayeen Ururka Al Shabaab.

Ugu dambeyn, Hay’addaha u ololeeya Xuquuqda aadanaha sida HRW iyo Amnesty International ayaa siyaabo kala duwan uga digay in lagu deg dego xeritaanka Xeryaha Qaxootiga Dhabab ee Dalkaasi Kenya.

Idale News Online, Nairobi