Xiriirka sii kobcaaya ee Al-Shabab iyo Al-Qacida oo walaac galiyay sirdoonka reer Galbeedka

0
215

Muqdisho(INO)-Iyadoo ay xiisada dalka Yemen cirka isku sii sharaeerayso ayaa waxay Hay’adaha Sirdoonka Reer Galbeedka indhaha ku hayaan xiriirka kobcaya ee ay Ururka Alshabaab iyo Alqaacidada Gacanka Carbeed ”Aqab” isaga kaashanayaan dagaaladda ka socda dalka Yemen.

Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Britain, ayaa u sheegay Wargeyska The Sunday Express ee ka soo baxa magaalada London inay aad uga walaacsan yihiin xiriirka Labadaasi Urur ku leeyihiin xiisada ka taagan dalka Yemen.

Waxa uu intaasi ku daray inay si dhow ula socon doonaan xaallada Yemen iyo kaalinta ay Alshabaab iyo Alqaacida Gacanka Carbeed ku leeyihiin colaadaha ka aloosan dalkaasi.

Ururka Alqaacidada Gacanka Carbeed ayaa ka hawl-gala dalka Yemen, waxayna ka soo horjeedaan Dowladda Sharciga ee Yemen iyo Dagaalyahannadda Xuutiyiinta ee ay duqeymaha Isbahaysiga Sacuudiga ku socdaan.

Walaaca ay Hay’addaha Sirdoonka Reer Galbeedka, gaar ahaan kuwa Britain, ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Haweeneyda u dhalatay dalka Britain, Samantha Lewthwaite ee lagu naanayso Carmalldda Cad la sheegay inay ku biirtay Ururka Alqaacidada Yemen, isla markaana ay tababarayso gabdhaha, si ay Falal Is-qarxin ah mustaqbalka uga geystaan dalalka Geeska Afrika.

Shalay ayey ahayd, markii uu Wargeyska Toddobaadlaha ee The Sunday Express uu qoray inay Samantha Lewthwaite si qarsoodi ah dooni kaga soo shiraacatay Xeebaha Somalia, una soo gudubtay Yemen.

Waxaa safarkaasi ku wehliyey Saygeeda cusub, Fahmi Jamaal Saalim iyo afar cunug oo ay dhashay oo ay sheegtay inay mustaqbalka noqon doonaan Jihaadistayaal.

Haweeneydaasi ayaa waxaa aad u baadi-goobayaa Hay’adaha sirdoonka Reer Galbeedka iyo Boliska INTERPOL, doorkii ay ku lahayd weeraro ay Ururka Alshabaab ka geysteen gudaha dalka Kenya.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here