Dowladdaha reer galbeedka ayaa ka walaacsan jihadda maamul ee madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Warqaddi is casilaada ee gudoomiyihi hore ee Bankiga Dhexe ka soo dirtay magaaladda Dubai ayaa ruxday kalsooni badan oo wadamada reer galbeedku ku qabeen hogaaminta Xasan.
Abrara ayaa shaqadda isaga tagtay toddoba asbuuc oo keliya markii ay xilka haysay, iyadoo sheegtay in ay isu casishay cadaadis la doonayay in albaadada loogu furo dhicida hantida dadweynaha.
Arrinta ugu muhiimsan ayaa ahayd soo celinta hantida dowladi hore ee Soomaaliya oo ku jirta bangiyadda wadamada shisheeyaha. Yusur Abraar waxay ka soo horjeesatay in hantidaas ay soo wareejiso shirkad laga leeyahay Maraykanka oo la yiraahdo Shulman Rogers iyadoo lagu shubayo Bangi ku yaalla Dubai.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegaysa in wasiirki horre ee arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan ku cadaadisay Abraar inay account ka furto bangi ku yaala Dubai, balse way is casisahay gudoomiyihii horre iyadoo aan wax xisaab “account” ah furin.
Lacagta ka timaadda deeq bixiyayaasha Bariga Dhexe ayaa qorshuhu ahaa inay ku dhacdo account-ga Dubai ka hor inta aanay soo gaarin Somalia, iyadoo ay maamulayaan xubno ku dhow, madaxweyne Xasan Sheekh si loo musuqmaasuqo, sida xog hore oo ay heshay Idale News Online ay sheegeyso.
Arrinta xiisaha leh ayaa ah in Yusur ku sheegtay warqadeeddi is casilaadda in dhinacyo badan oo ku xeeran Villa Somalia u digeen haddi ay ka hortimaado danaha Xasan Sheekh, taasina ay khatar gelinayso amaankeeda shakhsiyadeed.
Kulankii Nairobi
Sida ay Idale News Online horey u qortay, Yusur Abraar waxay is casishay billo yar ka dib markii dowladdo badan ku yabooheen cadad dhan $2.5 billion si dib loogu dhiso dalka dagaaladdu halakeeyeen ee Soomaaliya.
Afar berri ka dib iscasilaadeeda, wakiiladda reer galbeedka ee ku nool magaaladda Nairobi ayaa kulmay si ay uga tashadaan mustaqbalka lacagaha la siiyo dowladda Somalia. Mid ka mida diblomaasiyiinti ka qaybgalay kulanka ayaa sheegay in safiiradda reer galbeedka ee taageerayay lacago badan oo la siiyo dowlada Xasan Sheekh ay dareemayeen xanaaq iyo in la khiyaameeyay.
Maalmo yar ka dib kulankii hotel-ka Nairobi, safiiro ka socda Maraykanka iyo wadamadda Yurub ayaa kula kulmay Xasan Sheekh garoonka aadka loo waardiyeeyo ee Addan Cadde.
“Sweden, Norway, Maraykanka iyo Midawga Yurub waxay walaac ka muujiyeen dhacdooyinki ugu dambeeyay, iyadoo la xusayo in ay ruxantay kalsoonidi iyo aaminadi lagu qabay Somalia,” waxaa sidaasi lagu sheegay qodobaddi ugu mihiimsana ee kulanka dhacay 7 November 2013.
Cabdisalaan Cumar Hadliye oo is casilay September 2013 kana horeeyay Yusuf Abraar ayaa heshiiska musuqmaasuqa ku salaysan la saxiixday shirkada Shulman Rogers.
Abraar waxay aad ugu walaacsanayd shakhsiyaad aan ka tirsanayn dowladda ama Shulman Rogers oo ka qayb noqon lahaa soo celinta hantidda ku jirta Bangiyadda wadamadda Shisheeeyaha. Ninka lagu magacaabo Muuse Ganjab oo diiday inuu la hadlo Reuters ayaa shirkadan iyo afhayeenka madaxweynaha Cabdiraxmaan Yariisowba xaqiijiyeen inuu ku biiri lahaa hawlaha raadinta balse aan lacag laga siin lahayn lacagta la soo celinyo.
Shulman Rogers ayaa sheegtay in muddo afar sano ah ay ku bixisay raadinta hantiddan oo ay ka mid yihiin lacag ku jirta Bangi gaar loo leeyahay oo ku yaala Switzerland, dahab iyo hanti kale oo lacag iyo mid maguurto ahba isugu jira.
Diplomaasiyiin ka tirsan wadamada deeqda bixiya ayaa warsidaha Reuters maqaal uu maanta ku daabacey 14 Feb,20114 boqgiisa ku sheegey iney tageerayaan Madaxweyne Xasan Sheekh hadii uu muujiyo inuu diyaar u yahay la dagaalanka muquqmaasuqa.
Waxa yaabka leh ayaa ah in dhammaan arrimahan laga yaabo uusan ka war-hayn madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqda nin daacad ah markii ay dhaceyeen, balse dhibka jira ayaa ah inaanu waxba ka qaban dadka la tuhmayo ee isaga ku dhow.
Madaxweyne Xasan Sheekh, marar badan ayaa loo muujiyey in dowladda Somalia ay ka socon la’dahay xubno ku dhow isaga, laakiin weli waxba kama qaban, lamana oga in kooxdaas ay akhbaar qaldan siineyso ama uu raali ka yahay inay sii joogaan.
Warbixintan, ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii saxaafada lagu daabacey qoraal hordhac ah ee kooxda ilaalinta cunaqabateynta hubka Somalia iyo Ertitria ee QM ay xukumada Xasan Sheekh ku eedyeen inuu hubka yimaada Somalia qayb kamid ah loo weeciyo kooxda Al-Shabaab.
Maqaalkaan oo ku qaoran afka Ingriiska
Idale News Online, USA