xilka ka qaadis:Taliyeyaasha Nabadsugida Gobolka Hiiraan iyo degmada Beledweyne oo

0
197

Maamulka Hirshabeelle ayaa is bedel maamul iyo mid amni oo lagu sameynayo maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada, iyadoo shalay wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Hirshabeelle xilka looga qaaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, laguna magacaabay Guddoomiye cusub.

Wareegto kale oo ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Nabadsugida Hirshabeelle ayaa waxaa xilka looga qaaday Taliyihii ciidanka Nabadsugida Gobolka Hiiraan C/qaadir Maxamed Abuukar Dhegaweyne, waxaana Taliyaha cusub loo magacaabay Cabdi Maxamed Cali.

Sidoo kale Taliyaha cusub ee Nabadsugida degmada Beledweyne ayaa waxaa loo magacaabay Colaad C/llaahi Cismaan.

Is bedeladan ayaa dhacaya, xilli Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu ku sugan yahay magaalada Beledweyne.