Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ilaa hadda xal loo la’yahay ayaa waxaa soo baxayo inay fikir ahaan sii kala fogaanayaan, iyagoo hadda ay bilaabeen lataliyayaasha xafiska Ra’iisul Wasaare Saacid Farax inay khilaafka salkiisa ka hadlaan.
Lataliyaha Ra’iisul wasaaraha Abdirisaq Khaliif Ashkir oo maanta wareysi siiyey idaacadaha maxaliga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uusan awood u laheyn inuu xilka ka qaado ama weydiisto iscasilaadan Ra’iisul wasaaraha.
Dhageyso La taliyaha Ra’iisul Wasaare Saacid oo saxaafadda kala hadley khilaafka madaxda sare: [audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/11/Waraysi-Cabdirisaaq-Khaliif-Ashkir-Lataliyaha-Raiisul-Wasaaraha.mp3]
” Horta inta aan khilaafka laga hadlin waxaa muhiim ah in la isweydiiyo Madaxweynaha awood ma u leeyahay inuu Saacid xilka ka qaado ama uu usoo jeediyo inuu xilka ka dego? Jawaabtu waxay noqoneysaa waa MAYA, sidaasi darteed waxaan u arkaa arrintasi mid ka baxsan dastuurka” ayuu yiri Abdirisaq Khaliif.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in khilaafka uusan ku imaan madaxweynaha oo u arkay Ra’iisul wasaaraha nin aan shaqadiisa ka soo bixi karin sidaasi darteed uu iscasilo balse uu madaxweynaha liiska golaha wasiirada ee cusub uu ka waayey dad uu xilal u rabay, taasina markii uu ka diiday in lagu soo daro R’aiisul wasaaraha ayuu khilaafkan bilowday.
” Madaxweynaha shaqo xumo uga timid Ra’iisul wasaaraha kuma dalbanayo inuu R/W iscasilo ee waxaa uu golaha wasiirada ka waayey magacyo dad uu rabay in lagu soo daro taasina waxaa diiday oo xaq u leh inuu soo magacaabo cidii uu u arko inay waxqaban karaan. Laakiin taasi ayuu Madaxweynaha ku bilaabay buuqa dalbashada khilaafka” ayuu yiri lataliyaha R/W Abdirisaq Khilaaf Ashkir oo wareysi maanta ku siiyey xafiiska Saacid warbaahinta gudaha.
Waxaa uu sidoo kale ku beeniyey arrinta sheegeysa inuu Ra’iisul wasaare Saacid Farax ka bixi doono giraanta siyaasada Soomaaliya,kadibna uu horey usii qaadan doono lacag laba Malyan oo Dollar ah, taasi oo la sheeko in la siiyo Ra’iisul wasaare kasta oo xilka ka dega.
” Warkaasi waa mid dacaayad ah, waxaana idin sheegayaa in Ra’iisul Wasaaraha kasoo jeedo qoys magac iyo sharaf leh, mana ahan nin waxaasi qaadanaya iskuna casilayo.” ayuu yiri Abdirisaq Khaliif Ashkir.
Arrimaha kale ee uu wareysigan kusoo hadalqaaday lataliyahan ka shaqeeya xafiiska Ra’iisul wasaare Saacid Farax Garaad ayaa ah wararkii sheegayey in qaarka mid ah gollaha wasiirada aysan soo xaadirin shirkii khamiis laha ahaa oo aysan qaarkood iman.
Lataliyayaasha Madaxweyne Xasan Shiikh iyo afhayeenkiisa midna kama hadlin khilaafka kala dhexeeya Ra’iisul wasaare Saacid Farax. Lamana yaqaan waxa ay uga jawaabayaan hadalada dhanka kale kasoo yeeraya.