Dhageyso: Xildhibaano Kasoo Jeeda Gobolka Sh/hoose Oo Ku Baaqay In Ciidamo Dhex Dhexaad Ah Laga Kala Keeno Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ama Puntland.

0
193

Xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Sh/hoose ayaa ku baaqay in ciidamo dhex dhexaad ah la keeno gobolka Sh/hoose lagana kala keeno dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Puntland, cid walba waan usheegnay ciidamada lagu til maamo kuwa dowlada inay yihiin maleeshiyo kasoo jeedo hal qabiil damacooduna yahay magaca ciidamada dowlada inay ku milkiyaan gobolka Sh/hoose mana aqbaleyno mana aqbali doono inay taasi dhacdo.

Halkan Ka Dhageyso:

[audio:http://radiokulmiye.com/knn/wp-content/uploads/2014/06/xildhibaano-ok.mp3|autostar=yes]
cabdilaah sheekh ismaaciil

Hadaanu nahay Xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Sh/hoose  shardiga koowaad aan ku rici karno gudiga xukuumada u magacowday si loo joojiyo dagaalka ka socdo gobolka Sh/hoose waa in maleeshiyaadka ka duulay Xamar ee qabsaday gobolka Sh/hoose waa in lagu soo celiyee meesha ay ka baxeen maamulkii dowlada oo hada magaalada banaanka ka joogana waa inuu kusoo laabtaa magaalada, gudoomiyaha Marka oo magaalada banaanka ka taagan lagama yaabo in wafdiga ka mid noqono arintaasina waa in sida ugu dhaqsiyaha badan u dhacdaa waa hadii xal la rabo ayey yiraah deen xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Sh/hoose.

Idale News  Online, Muqdisho.