Marka (INO)—Guddoomiye ku xigeenka Amniga ee Maamulka Gobolka Sh.Hoose, Cali Nuure Maxamed oo la hadley warbaahinta ayaa ka hadlay dhibaatada ka aloosan Gobolkaasi.
Mr. Cali Nuure Maxamed ayaa ku eedeeyay Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya dhibaatooyinka ka soo cusboonaaday qeybo ka mid ah Gobolka Sh.Hoose.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sidoo kale Taliska AMISOM waxuu dusha kaga tuuray hurinta xiisadaha ka taagan Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.
Muddooyinkii dambe Dagaalo geystay khasaaro kala duwan una dhaxeeyay labo Maleeshiyo Beeleed ayaa waxuu ka dhacayay qeybo ka mid ah Gobolkaasi.
Idale News Online, Marko