Xudur ( INO)-Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta gaaray degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegay in arrimo dhowr ah in ay u gaareen halkaasi.
Mudane Cumar Cali oo ka mid ah Xildhibaanadaasi oo safarkooda Wakaalada Wararka Idale News Online ayaa tilmaamay in u jeedka safarkoodu yahay sidii ay isugu furi lahaayeen waddooyinka soo gala degmada Xudur iyo arrimo ay ka mid tahay xallinta khilaafaadka ka jira Gobolka Bakool.
Sidoo kale Xildhibaan Cumar ayaa meesha ka saaray wax saameyn ee uu ku yeelan karo maamulka Cusub ee qeybo Gobolka Bakool ka mid ah looga dhawaaqay maamulka Koofur Galbeed.
Ugu dambeyntiim Dhawaan ayaa degaano hoostaga Gobolka Bakool waxaa looga dhawaaqay maamul la Magac baxay Bakool Sare.