Muqdisho ( INO)-Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shalay ka qeyb galay kulankii Xildhibaanada ay ku yeesheen Golaha shacabka oo shalay kala soo qeyb galeen Wasiiro ka torsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dhibaato ay kala kulmeen ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya maalmihii la soo dhaagay.
Audio PlayerMudanayaashaan oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Caasho Koos iyo weliba Xildhibaan Naciimo Gacal ayaa tibaaxay in xilli ay ka dhoofayeen Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho dhibaato ay kala kulmeen Ciidanka nabad gelyada oo ay sheegeen in ay ku xad gudbeen Xasaanadooda.
Sidoo kale Xildhibaanada qaar ayaa tilmaamay in xilli ay marayeen waddooyinka Magaalada Muqdisho tacshiirad kala kulmeen Ciidamo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Max’ed oo shalay ka qeyb galay kulanka Golha Baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday in ay baaritaanno ku sameynayaan wararka la xiriira dhibaatada lagula kacay xildhibaanada islamarkaana cidda ku kacday falkaasi ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud ayaa dhacdadii diyaraadda Daallo Airline mar uu ka hor hadlayay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sheegay in ay wanaagsan tahay in la baaro dhamman masuuliyiinta dowladda Soomaaliya taas oo ka careysiisay Xildhibanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho