Xildhibaannada BFS Iyo Axsaabta Dalka Oo Ku Kala Qeybsamay Dekeretada Xasan Sheekh Ee Doorashada 2016-ka

0
519

Muqdisho(INO)- Go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh uu Dekereto ku meel mariyay habka doorashada  2016-ka, waxaa ku kala qeybsamay baarlamaanka federaalka iyo Axsaabta dalk, Laakin waxaa taageeray go’aankaas Beesha Caalamka.

Warbaahinta waxaa la hadlay: Michael Keating, Xildhibaan Cabdulahi  Goodax Barre, Xildhibaan Cabdi Barre, Xildhibaan Maxamud Axmed Kulalihi, Salaad Cali Jeelle, Zakariye Maxamud Xaaji, Cabdiqaadi Barnaamij iyo rag kale.

Cabdulahi  Goodax Barre ayaa ka soo horjeestay go’aanka Madaxweynaha isagoo ku tilmaamay go’aanka mid sharci darro ah, Barre waxaa uu  Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay mid sharciga iyo baarlamaanka dhinac maray.

Goodax Barre waxaa uu sheegay in aanay jirin Maxkamad sare oo la aado oo shalay uu Xasan Sheekh nin geystay, isagoo  ku eedeeyay Madaxweynaha in uu lug gooyay baarlamaanka federaalka, Barre waxaa uu balanqaaday in aanay rabshad ka sameyn doonin gudaha baarlamaanka laakin waxaa uu caddeeyay in guddoomiyaha baarlamaanka uu la safan yahay Madaxweynaha.

Xildhibaan Cabdi Barre ayaa dhankiisa soo dhaweeyay oo taageeray go’aanka Xasan Sheekh isagoo intaa ku daray in Baarlamaanka uu haatan isku badalay goob fadhi ku dirir ah oo qoloba gees u booday, si dalka loo badbaadiyo  oo aan Maxmiyad loo gelinna uu Madaxweynaha go’aankaas gaaray.

Xildhibaan Barre waxaa uu sheegay in labadii maalin ee la soo dhaafay uu baarlamaanka khilaafkiisa gaaray meel ay Soomaaliya ku sii kala fogaaneyso oo qabyaalad laga dareemay, Madaxweyne Xasanna uu ka soo hormaray go’aan beesha caalamka ay qaadan laheyd maalinta arbacada ah ee soo socota kaas oo dalka loogu yeeli lahaa roadmap cusub taas oo khatar ku ah jiritaanka umadda.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibraahim Cali(Shiiraar) ayaa isna ka soo horjeestay go’aanka Madaxweynaha balse go’aankiisa ayuu u dib dhigay fadhiga Baarlamaanka kadib.

Cali(Shiiraar) waxaa uu sheegayaa in go’aanka Madaxweynaha laga doodi doono iyagoo kaashanaya sharciyaqaanno kadibna la ogaan doono cidda saxan, Madaxweynaha ama Baarlamaanka.

Dhankiisa Xildhibaan Maxamud Axmed Kulalihi ayaa  sheegay in uu Madxweynaha uu qabtay shaqo loo baahnaa in la qabto isagoo intaa ku daray “anigu go’aanka madaxweynaha ma taageersani laakiin waxaan u hiilinayaa dalka”

Kulalihi waxaa uu sii hadlay”Aniga meel aan ka hadlo iima taallo,  waxaa ii taallo hanaankii doorashada in la bilaabo, si Soomaaliya looga nabad gasho khalkhal iyo dowlad la’aan, dhexdeenna inuu buuq kasii dhex baxo taas ayaa ii sahlan, waxaan u hiilinayaa Soomaaliya waxaa ku qoran Dastuurka in August Doorasho la  aado”.

Cabdiqaadir Barnaamij oo ah gudoomiaha Xisbiga Kulan  ayaa soo dhaweeyay go’aanka Madaxweynaha uu gaaray isagoo ugu baaqay dhamaan Madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada in ay taageeraan go’aankaas.

Cabdiqaadir Barnaamij waxaa uu dhanka kale ugu baaqay maamul goboleedyada in ay tixgeliyaan hadalka Madaxweynaha ee ahaa in Banaadir tixgelin la siiyo, waxaa uu sidoo kale ku taliyay in odoyaasha la soo xareeyo oo dalka uu doorasho galo, lana keeno baarlamaan midkan ka tayo badan.

Zakariye Maxamud Xaaji oo ah guddoomiyaha Ummah ayaa Madaxweynaha weydiiyay in looga baahan yahay in keeno sharciga iyo xeerka uu go’aankan ku gaaray? Isagoo intaa raaciyay in Baarlamaanka iyo shacabkaba laga rabo in ay la xisaabtamaan Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Ummah waxaa uu sheegay in dowladnimada ay tahay wax qoran, haddii laga leexdana ay dhibaato iyo dagaallo dalka u keeni karto, arrintaas oo horay asxaabta dalka ay ka digeen.

Salaad Cali Jeelle oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Midimada iyo Dimoqoraadiyadda ayaa ka soo horjeestay go’aanka Xasan Sheekh isagoo sheegay in tilaabadan ay qeyb ka tahay go’aanno qaldan uu Xasan Sheekh qaatay labadii sano ee la soo dhaafay.

Salaad Cali Jeelle waxaa ayaa  sheegay in Xasan Sheekh uu golaha ammaanka ku dhahay go’aan ayaan soo saaraa ii gaar, arrintaas oo ay asxaabta dalka u sheegay xildhibaannada.

Go’aanka Madaxweynaha Xasan Sheekh ayuu ku tilmaamay mid ay ka muuqato “ Anigaa wax qabtay iyo in uu beesha caalamka iska gado, doorkii baarlamaankana uu meesha ka saaro, waa hiigsi uu Xasan Sheekh uu rabo mar kale soo noqdo”.

Jeelle waxaa uu ugu dambeyntii sheegay in Xasan Sheekh uu wado marin habaabin oo arrintan ay dhibaato badan keeni doonto dalka iyo dadka.

Ugu Dambeyntii Michael Keating ergeyga xogheyaha guud ee qaramada Midoobey oo wareysi gaar siiyay Warbaahinta ayaa soo dhaweeyay go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh , isagoo sheegay in arrinkan ay tahay nasiib darro balse aan la heysan waddo kale.

Idale News Online, Muqdisho