Muqdisho(INO)— Allaha u naxariistee waxaa maanta lagu magaalada Muqdisho Xildhibaan C/llaahi Jaamac Xuseen oo ku magac dheeraa Kaba-weyne iyo Xildhibaan Prof. Maxamuud Maxamed Guure, kadib markii shalay lagu dilay weerarkii Hotel Ambassador.
Salaada janaasada ee lagu dukaday labada Xildhibaan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin sare ee dowladda, sida Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaate Cumar Cabdirashiid.
Meydka Xildhibaanada oo la huwiyay calanka ayaa laga soo galbiyay xarunta Madaxtooyada, markii salaada janaasada lagula dukaday, waxaana lagu aasay Qabuuraha isbitaalka Madiina.
Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka qeyb galay aaska, kana mid ahaa Xildhibaanadii ka bad baaday weerarkii Hotel Ambassador ayaa sheegay in Xildhibaanadan geeriyooday ay si gaar ah saaxibo u ahaayeen, waxaana uu ku baaqay in dadka ay meel ugu soo wada jeestaan kooxaha dilaya dadka wax galka u ah dadka iyo dalka Soomaaliya.
Labada Xildhibaan ee geeriyooday ayaa ahaa Soomaali-Biritish, waxaana ay ka mid ahaayeen Xildhibaanada saameynta ku leh Baarlamaanka, iyagoo qeyb ka ahaa Guddiga 25-ka xubnood ee Baarlamaanka oo dib u eegis ku sameynayay heshiiskii hanaanka doorashada.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Hotel Ambassador, waxaana ay sheegeen inay ku dileen Xildhibaano iyo saraakiil kale.
Weerarkii Hotel Ambassador ayaa ka mid noqonaya weerarada ugu saameynta badnaa ee ka dhaca Muqdisho, waxaana qaraxii ka dhacay afaafka hore ee hotelka uu bur buriyay dhismayaal ganacsi oo ku dhowaa hotelka.