Muqdisho:Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida ah uqaadaya moshin ay soo gudbiyeen xubno kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ku aadan inaysan Xukuumadda cusub kusoo noqon karin Wasiiro kamid ah Xukuumadii Saacid.
Fadhiga Golaha Baarlamaanka uu maanta ku madalsan yahay, ayaa waxaa codka looga qaadaya in Wasiiradii hore ay kamid noqon karaan Xukuumadda cusub iyo inaysan kamid noqon Karin.
Mooshinkaan Baarlamaanka uu maanta go’aanka ka gaari doono, waxaa soo gudbiyay Xildhibaano gaaraya ilaa 34-Xildhibaan oo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, kuwaasi oo ku eedeeyay Wasiiradii hore inay fashil yihiin oo aysan xil ka qaban Karin Xukuumadda cusub.
Xubno kamid ah Wasiiradii Xukuummadii Saacid ayaa doonaya inay kamid noqdaan Golaha Wasiirada cusub, iyadoo xubnahasi ay ugu cad-cad yihiin Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya iyo Siihayaha Xilka Wasiirka arimaha dibada oo labaduba garab buuxa ka helaya Madaxweynaha Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan Baarlamaanka dalka waxa uu ka dalbaday in muddo 10-cisho ah loogu daro waqtiga uu kusoo xulayo Xukuumadiisa cusu, iyadoo hada ay socoto dadaalo kala duwan oo uu Ra’iisul Wasaaraha wado.
Idale News Online, Muqdisho.