Xildhibaanada mooshinka ka keenay mooshinka jawari oo war xasaasi ah soo saari

0
212

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Xildhibaanadaas:

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Warsaxaafadeed

30 maarso 2018

Anagoo ah Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari iyo Xildhibaanada taageeray Mooshinkaas oo wadar ahaan tiradoodu tahay 223 Xildhibaan, Waxaan halkan Shacabka Soomaaliyeed uga cadeynaynaa in Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay uu jebiyay qodobo badan oo ah Dastuurka, Xeer-hoosaadka iyo shuruucda dalka u yaala kuwaas oo kala ah:

1) Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay wuxuu jebiyay Qodobka afaraad: Saraynta Dastuurka Soomaaliya, Faqradiisa 1-aad.

2) Guddoomiyuha Mooshinka laga keenay wuxuu jebiyay Dastuurka Qodobka 68-aad Xeer hoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Faqradiisa 1-aad.

3) Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay wuxuu jebiyay Dastuurka Qodobka 65-aad, Faqradiisa 3aad ``Guddoomiyuhu inta uusan qaban xillka waa in uu ka tanaasulo xil kasta oo uu ka hayo xisbi siyaasadeed, waana inuu noqdo dhexdhexaad marka uu gudanayo xilkiisa“. Gudoomiyahu maanta waa uu ka baxay dhexdhexaad-nimadii oo koox yar oo Xildhibaano ah ayuu hormuud u noqday.

4) Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay waxa uu jebiyay Dastuurka Qodobka 111D, Guddiga Adeega Baarlamaanka, Qodobkan dastuuriga ah waa qodob aad u muhiim ah wuxuu ka hadlayaa in la dhiso Guddiga adeega Baarlamaanka. Guddigan waxa ay aheyd in la dhiso sanadkii 2012-ka kal fadhigii ugu horeeyey ee Baarlamaankii 9-aad sida ku cad Dastuurka Federaalka, kasoo 6 sanno kadib ilaa hadda uusan dhisneyn. Guddigan Hawshiisu waxay tahay sida Dastuurka Qodobka 111D, Faqradiisa 4-aad ku cad.

Guddiga Howlaha baarlamaanku waa inuu mas’uul ka noqdaa:

a) Adeegyada iyo fududeynta si loo hubiyo wanaaga iyo hawlgalka fiican ee Baarlamaanka Federaalka.

b) Abuuris xafiisayadda taageeraya adeegga Baarlamaanka iyo magacaabidda iyo kor ka maamulka masuuliyiinta xafiisyada;

c) Diyaarinta qiyaasta kharashaadyada Baarlamaanka ee sannadkiiba hal mar iyo u gudbintooda Golaha Shacabka si ay u ansixiyaan iyo xakameynta miisaaniyadda howlaha maaliyadda.

d) Inay sameeyaan hawlaha kale ee loo baahdo, kawaasoo lagu daryeelayo xubnaha shaqaalaha ee Baarlamaanka Federaalka kuna cad sharciga Federaalka ah.