Xildhibaanada Gobolka Sh.Hoose oo Go`aan ka soo Saaray Qabsashada Degmada Marka.

0
209

Siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka sh.hoose ayaa maanta shir ay ku yeesheen magaalada muqdisho kaga hadleen qabsashada MARKA, SHALAMBOOD iyo NO.50.

xildhibaanada iyo mas`uuliyiinta ayaa sido kale ka hadleen qaabka dowlada u maraysa xal u raadista dagaalka ka socda gobolka.

Xildhibaanada iyo mas`uuliyiinta ayaa isku raacey in dowlada arinta gobolka xagaldaacinayso oo aan sida dhabta ah mushkilada ka aloolsan gobolka uga hadlin, balse doonaysa in beesha Habargidir  wadaxaajood lala galo, taasi oo mas`uuliyiinta gobolka ku sheegeen inay tahay mid xaq daro ah, muujinaysana in dowlada dhinac la safan tahay.

Siyaasiyiinta iyo xildhaabanada ayay sida wadajir ah ugu baaqeen dowlada inay ka saarto ciidan beeleedka qabsaday MARKA, SHALAMBOOD iyo NO.50. Sido kale waxay ku baaqeen in Gargaar iyo dawooyin la gaarsiiyo dadkii lagu barakiyay dagaalkaas. mas`uuliyiintan ayaa sheegay in beeshan soo duushay doonaysa in dadka gobolka barakiso.

xildhaan-abshiroow

Idake News Online, Muqdisho.