Madaxweyne Xasan ayaa si aad ah ugu howlan kala furfurka xubnaha barlamaanka ee ka soo horjeeda ansixinta xukuumada uu dhowaan soo dhisey Ra’iisul Wasaare Saacid, golahaasi oo u badan rag aad ay isugu dhow yihiin madaxweynaha Somalia.
Balanqaadyo iyo xilal kala duwan oo u badan wasiir dowlayaal, wasiir ku xigeeno, safiiro oo aan la ogeyn sida Madaxweynuhu uga dhabeyn doono ayaa si hoose ugu sheegey xildhibaanada diidan in xukuumada ay hesho codka kalsoonida barlamaanka, balse wararka hordhac ayaa sheegaaya in wasiiru dowlayaal, iyo wasiir ku xigeen u badan xubnaha barlamaanka kuwooda aadka u diidan la magacaabi doono maalmaha nagu soo aadan.
Sida warku sheegayo Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaraha ayaa bilaabay kulamo kala duwan oo ay la yeelanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan Xildhibaanada iyo Odayaasha dhaqanka, kuwaasoo ay isku dayayaan inay ka dhaadhiciyaan in lagu taageero Xukuumadda 10ka wasiir ka kooban iyo Wasaaradaha isdulsaaran, isla markaasna Baarlamaanka Soomaaliya uu meelmariyo Xukuumaddaasi.
Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa si ay u hantaan Baarlamaanka waxay bilaabeen dhaqdhaaqaaqyo ay ku soo magacaabayaan wasiir ku-xigeeno, wasiiro dowlayaal iyo wakaalado, waxaana la sheegay inay magacaabi doonaan wasiir ku-xigeeno gaaraya 10 iyo wasiiru-dowlayaal gaaraya 6 iyo wakaalado kale, kuwaasoo la doonayo in la magacaabo ka hor inta aan Baarlamaanka la horgeyn Xukuumadda si meesha looga saaro shakiga laga qabo inuu Baarlamaanka ansixin-waayo, isla markaasna beelaha Soomaaliyeed ee hoosta ka guuxaya loo qanciyo.
Ilo wareed ku sugan xarunta madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in rag badan la filayo iney wasiiru dowleyaal iyo wasiir ku-xigeeno loo magacaaabo, waxaana ka mid ah magacyada raggaas oo aanu qaarkood.Maxamed Cali Ibraahim oo ka soo jeeda beesha Baadi-cadde waxaa uu mar soo noqday wasiirkii dhaqan celinta naafada iyo maleeshoyooyinka ee xukuumadihii KMG ahaa waxaa uu uu sidoo kale ka mid ahaa Midowgii maxaakiimta Islaamka, hase ahaatee waxaa la sheegay in hadda uu ka mid yahay kooxda Damu-jadiid.
Sidoo kale waxaa ka mid ah Maxamed Nuur Gacal oo ka soo jeeda beesha Murusade, C/llaahi Xaaji Abuukar oo Dirta koonfureed ah, Siyaad Maxamuud Shire oo ah xildhibaan ka soo jeeda beesha Dhul bahante, Ibraahim Cali Xuseen oo ka soo jeeda beesha Jajeele, Saciid Jaamac Qoorsheel iyo rag kale.
Muhiimada ugu weyn ee madaxweynaha, guddoomiyaha barlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha ayaa ah in la helo tiro sugan oo kabi karta tirada yar ee ah barlamaanka ku dhex leeyihiin ee ogol ansixinta golaha wasiirada. waana tan keentey in wasiiru dowlayaasha cusub iyo wasiir ku xigeenada dhamaan laga soo qaato xubnaha barlamaanka kuwaasoo ah beelaha laga tagey ee miisaanka ku leh barlamaanka.
Idale News Muqdisho.