Xildhibaanada Baarlamaanka oo la dhaariyay

0
192

Muqdisho(INO)- Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu dhaariyay xarunta Ciidanka Booliska ee General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabada lagu dhaarinayay xildhibaanada cusub ee Labada Aqal ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa qeyb qeyb u dhaariyay xildhibaanada cusub, waxaana xildhibaanada ay gacanta kor ka saarayeen Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Ibraahim Iidle Suleymaan Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa dhaarinta kadib ugu baaqay xildhibaanada in shaqadooda ay xusuusnaadaan.

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta la dhaariyay ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa 283 xildhibaan oo Labada Aqal ah.