Dhageyso:Xildhibaan Yuusuf Dirir oo kooxo hubaysan ay ku toogteen wada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho

0
316

Muqdisho(INO)__Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir ayaa goor dhow u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar dabley hubeysan ku qaadeen gaari uu la socday oo marayay Wadada Maka Al-Mukarama.

Xildhibaankan iyo Xildhibaan kale oo lagu magacaabo Cabdalla Boos ayaa gaari la socday, xilliga la weerarayay, iyadoo Xildhibaan Cabdalla Boos uu ka bad baaday weerarkaas.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Xildhibaanka u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaastii ay ku fureen kooxo hubeysan.

‘”Innaa Lillaahi waa Innaa Ileyhi Raajicuun. Marxuumka Allah u naxariisto. Waxaa uu ahaa nin waddankiisa u soo shaqeeyay, mar walbana ku haminayey inuu arko Soomaaliya oo mideysan, nabad ah, kana soo kabatey burburkii ku dhacay. Waxaa uu ahaa nin si wanaagsan uga dhex muuqdey baarlamanka”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Weerarkan ayaa ahaa kii u horeeyay oo ka dhaca wadada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama, waxaana la sheegay in dableydii hubeysneyd ee weerartay Xildhibaanka ay wadatay gaari ku buufsanaa astaanta Gaadiidka gurmadka deg dega ee Ambalaasta.

dilqorsheysan

Idale News Online, Mogadishu