Muqdisho ( INO)_Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalle ayaa sheegay in qodobadii ka soo baxay shirkii madasha wadatashiga Qaran ay waafajinayaan Dastuurka dalka Soomaaliya.
Heshiiska Higsiga ee madasha wadatashiga Qaran ayuu sheegay in ay ku jiraan qodobo xasaasi ah balse wax ka bedelkooda ay u taallo Golaha shacbiga Soomaaliyeed ee Baarlamaanka.
“ Baarlamaanka waxa ay matalaan shacabka , cidna kama meersanayaan wax aan u habooneen shacabka, wixii u baahan wax ka bedel waa laga bedelayaa” ayuu yiri Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla.
Xubno beesha Caalamka ka socda ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo gooni ah la yeelanay Baarlamaanka si ay ugu qanciyaan ansixinta heshiiska madasha wadatashiga Qaran.
Maamullo Puntland ay ka mid yihiin ayaa ka digay in Baarlamaanka Federaalka uu wax ka bedelo qodobada madasha wadatashiga Qaran.
Idale News Online, Muqdisho