Muqdisho (INO)-Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo kamid ah BFS ayaa sheegay in shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socda magaalada Muqdisho aan laga fileynin natiijadii ay naawilayeen shacabka magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Shariif, waxa uu sheegay in shirkaani uu yahay mid raja beel ku noqon doona shacabka waxa uuna tilmaamay in Madaxda DF iyo kuwa Gobolada ay ku kala safan yihiin Mustaqbalka Gobolka Banaadir, taasina ay rajo beel ku noqon doonto shacabka.
”Madaxdu go’aanadii ay gaari lahaayen horay ayay u gaaren keliya hadda waxa ay isla eegayaan wakhtiga iyo sida looga faa’iideysan lahaa, waayo wakhtiga aad ayuu u yaryahay”
”Warqadaha uu madaxweynaha soo saaray waxaa ka muuqday arrinta Muqdisho, waxaa dhici kara in arrinta Muqdisho ay adkaato haddii uusan jirin wada xaajood hoose oo horay loo gaaray waayo maamul goboleedyada aad ayay ugu adag tahay meelmarintooda, laakiin waxaa dhici karta in arrintaani culeyska leh ay horay uga soo wada hadleen”
”Wakhtiga ay hadda heystaan dhinacyada wada-xaajoodka u socdo keliya waxaa lagu dhaqaajin karaa arrimaha doorashooyinka iyo in gudiyadii arrintaani ay khuseysay lasoo saaro”
”Haddii ay dhacdo in Gobolka Banaadir kursi lasiiyo waxaa khasab noqoneysa in dhammaan beelaha la wada siiyo kuraas, haddii aan arrintaani xili hore lagu soo heshiin dabcan waxaan filayaa inaanu suuragali doonin”
Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla, waxa uu tilmaamay in wakhtiga harsan iyo howsha taal aan is qaadan karin sidaa aawgeed ay adkaaneyso in laba maalin lagu hirgaliyo arrin muran badan uu ka taagnaa.
Haddalka Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla, ayaa kusoo beegmaaya xili maanta la sugaayo in war-murtiyeed laga soo saaro shirka wadatashiga ee labada maalin qaatay kaasi oo maanta lagu ballansan yahay in lasoo afjaro.
Idale News Online, Muqdisho