Baydhabo:Waxaa nasiib daro ah xidhibaan Shariif Hasan Sheikh Aden inuu maanta ka dago garoonka magaaladda Baydhabo oo ah caasimadda Dowladda Gobololeedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya, asagoo markaas soo abaabulay arin loogu danleeyahay in lagu bur buriyo maamul koboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya, taasoo in mudo ah ay u fadhiyeen bulshadda goboladaas oo ka kooban Salaadiinta, malaaqyadda,aqoonyahadda, Siyaayiyiinta iyo bulshadda rayidka ah mudo gaareeysa sanad iyo bar, kuwaas oo go’aansaday inay ka tashadaan nabadda iyo hurumarka dadka iyo degaankooda. Ayagoo waliba cuskanaayo dastuurka federaalka ee dalkeena qodobkiisa oranaayo in dadka ay xaq u leeyihiin ka talinta ayaayahooda si loo helo qaranimo ku dhisan nabad iyo cadaalad.
Habada waxaan kula talinayaa odayaasha dhaqanka ee Golaha Sare ee Guurtadda Koofur Galbeed inay u gudbiyaan warqad Gudoomiyaha Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliyeed iyo Maxkamadda Sare ee Dowladda Federaalka inay dib ukala noqdaan xildhibaanimadii ay u doorteen Shariif Hassan, si loo helo xasilooni iyo deganaasho goboladda Koofur Galbeed.
W/Q Sheiknor A Qassim
Idale News Online