Xildhibaan ku taliyay in baarlamaan kale laga barbar dhiso kan Axmed Midoobe uu wado

0
202

Muqdisho(INO)-Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka DF Somalia ayaa waxa uu sheegay in Baarlamaanka Maamulka Jubba uu yahay mid u badan dhanka hal beel.

Waxa uu sheegay in Xildhibaan ahaan uusan u dulqaadan doonin in Baarlamaanka Maamulkaasi uu noqdo mid aan ku saleysneyn cadaalada waxa uuna dadka deegaanka ugu baaqay inay is uruursadaan oo ay dhistaan Baarlamaan ka madax-banaan kan iminka qabiilka u badan yahay.

Sidoo kale Xildhibaanka waxuu intaa ku daray in Maamulka Juba looga baahan yahay in habkii loo baahnaa uu u xaliyo dhamaan beelaha wada dega Goboladaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu tibaaxay in kala aragti duwanaansho oo kaliya ay haatan jirto balse uu ku hami weynyahay in faham lagu dhameeyo.

Hadalka Xildhibaanka ayaa waxuu imaanayaa iyadoo weli ay caqabado ka taagan yihiin soo dhisida Baarlamaan uu yeesho Maamulka KMG ah ee Juba taasi oo haatan ka taagan kala aragti duwanaasho iyo isfaham dhexdooda ah.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here