Xildhibaan Ka Tirsan KGS Oo Tiriyey Wasiiro Ka Dhiigeystey Dhaqaallaha KGS

0
179

Baydhabo(INO)- Xildhibaan Madkariin Mad Aftiin (Modiyow) Oo Ka tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegey in Wasiiro Ka Tirsan KGS si khaldan Ugu dhiigeysteen isla markaana ay ku takri faleen Hantida Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xilhdibaan Mad Kariin Mad Aftiin ayaa cod dheer waxuu ku sheegay in Wasiirada oo idil aysan wada shaqeyn balse kuwa fara ku tiris ah oo gacan saar la ah Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ay ku tagrifalaan dhaqaalaha Koonfur Galbeed sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Xildhibaanka waxuu soo hadalka qaaday in Wasiirada ku tagrifala dhaqaalaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ay kala yihiin Wasiirka Maaliyada Sheekh Ibrahim Lugbuur, kan MadaxtooyadaMohamed Mursal iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Abdirahman Ibrahim Adan Satte, Wasiirka Hub ka dhigista, Dhaqan Celinta iyo Tababaradda Maleeshiyaadka koonfur galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Garoomada Koonfur Galbeed C/laahi Black.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.