Xildhibaan ka tirsan BFS oo Muqdisho lagu dhaawacay Halka laba qof oo kalena la dilay

0
354

Muqdisho(INO) — Xildhibaan Maxamed Cali Daheeye oo baarlamanka FS ka tirsan ayaa lagu dhaawacay maanta Muqdisho, kaddib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaaadeen, iyadoo sidoo kale ay weerarkaas ku dhinteen darawalkiisii iyo mid ka mid ah ilaaladiisii.

Mudanahan oo lagu Weeraray Degmada Xamar-weyne, ayaa waxay kooxahan ay rasaas ku fureen, xilli uu doonayay inuu gaarigiisa galo, iyadoo kooxahan hubeysan ay ka baxsadeen goobta weerarka kaddib.

Sidoo kale, Kooxaha hubeysan ee Weerarkaan geystay ayaa la sheegay in gaari ay wateen, iyadoo aysan jirin cid sheegatay dhaawaca xildhibaankan baarlamaanka Somalia ka tirsan, laakiin Al-shabaab ayaa horay u sheegay inay ka dambeysay weerarro noocan oo kale ah oo horay uga dhacay Muqdisho.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane, ayaa sheegay in uu ka mid yahay weerarkaan, kuwii horay uga dhacayay Muqdisho, isagoo intaa ku daray inaan wali maamulka gobolka Banaadir lagu wareejin amniga gobolka.

Dhanka kale, Isla goobta lagu dhaawacay maanta xildhibaanka ayaa horay loogu dilay laba Casho ka hor Mahad Faarax oo ka mid ahaa Saraakiisha Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka Somalia.

Ugu dambeyn, Xildhibaan Maxamed Cali Daheeye ayaa xilka loo dhaariyay 27-kii Abriil Sannadkii 2015-kii, isagoo beddelay Xildhibaan C/llaahi Qayaad Barre oo bishii Febraayo 2015-kii lagu dilay degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here