Xildhibaan ka tirsan barlamaanka oo rajo weyn laga qabo in loo magacaabo xilka Ra’iisul Wasaaraha

0
197

Idale News Online “INO”, December 08, 2013: Iyadoo la filaayo in dhowaan madaxweynaha Dowlada Federaalka  Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud magacaabo ra’iisul wasaaraha bedeli doona R/Wasaaraha xilka ka sii tagaaya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa warar hoose  oo shabakada Idale News Online soo gaaraaya sheegayaan in  mid ka mid ah xubnaha barlamaanka Soomaaliya la filaayo in xilkaasi loo magacaabo maalmaha nagu soo aadan. Waxaayna arrintaani  timid ka dib markii Madaxwyne Xasan Sheekh uu wada tashiyo kala yeeshey dhinacyo badan  oo ay ugu horeeyaan xildhibaabada beelaha Daarood, Ururada bulshada rayidka iyo siyaasiyiin kaleba.

Xildhibaanka loo saadaalinaayo in xilkaasi  qabto oo magaciisa lagu sheegay Da’ud Abdikarim Sh. Omar kana soo jeeda gobolka Gedo ayaa qaar ka mid ah xidlhibaanada aadka ugu dhow Daa’uud waxay Idale News Online u xaqiijiyeen  in xildhibaanku yahay shaqsi  ixtiraam ku leh gudaha barlamaanka, xiriir wanaagsanna la leh madaxda sare ee dowlada gaar ahaan madaxtooyada, gudoonka barlamaanka, qeybaha kala duwan ee ummada Soomaaliyeed iyo weliba beelaha kale ee  Daarood oo iyaga hardanka ugu jirta qabashada xilkaan.

Dhowaan ayaa Kulankii Beelaha Daarood iyo Madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhex marey xarunta madaxtooyada ee Vila Soomaaliya la iskula soo qaadey talooyin muhiim ah oo  ku aadan magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub iyo sidoo kale baahida dowlada federaalka Soomaaliya u qabto dardargelinta howlaha xukuumada ee dhanka amniga, siyaasada gudaha & dibada, tan dhaqaalaha iyo hergelinta sharuucda doorashooyinka dalka ee lagu wado inay Somalia ka dhacdo sanadka 2016.

Siyaasiyiinta loolanka adag ugu jirta iney xilkaasi sidoo kale qabtaan ayaa waxaa iyaguna safka hore cariirsanaaya Xuseen Cabdi Xalane, Jaamac Cali Jaamac, Maxamed Sheikh Doodishe iyo nin isaga magaciisa lagu sheegay C/wali oo Degmada Garbahaaray ka soo jeeda.

Isku soo wada dhuub, Madaxweynaha ayaa la moodaa inuu aad u daneynaayo in fursad la siiyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed si loo arko doorkooda siyaasadeed ee dalka iyo isbedelka dhabta ah ee ay shacabka rabaan iney arkaan.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga fadhiyaa in sida ugu dhaqsiyaha badan u soo magacaabo shaqsi leh hogaan wanaagsan, dalka iyo dalka Soomaaliyeedna isu keeni kara, isla markaasna kasban kara taageerada  barlamaanka,  madaxtooyada qaranka, maamulada dalka, beesha caalamka iyo sidoo kale guud ahaan qeybaha kala gedisan ee bulshada Soomaaliyeed.

Idale News Online, Mogadishu, Somalia

breakingIdaleNews