Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Holland oo diiday inuu salaamo Ra’iisul wasaaha Yahuuda

0
201
Holland(INO)- Benyamin Netahnyahu oo ah Ra’iisul wasaaraha dalka Isra’el oo iminka booqasho ku maraya dalka Holland ayaa weji gabax kala kulmay xildhibaan ka tirsan baarlamanka dalka Holland.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Tunahan Kuzu oo saf kula jira siyaasiyiin kale oo soo dhoweynayey Ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa diiday inuu salaamo Netanyahu oo gacanta u soo taagay.
Isagoo weji gabaxsan ayuu Netanyahu ka gudbay markii laga qaadi waayey salaanta waxaana la maqlayey isagoo leh Ok oo sii gudbaya.
Tunahan Kuzu ayaa Jaakada uu sitay waxaa u surnaa calanka shacabka Falastiin, markii uu diidayey inuu salaanta ka qaado Netanyahu, waxaana arintani  saacadihii ugu dambeeyey aad looga hadal hayay warbaahinta caalamka,
Xildhibaan Kuzu oo ka tirsan Baarlamanka dalka Holland una ololeeya xuquuqda dalka Falastiin, ayaa ugu qiil sameeyey ficilkiisa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook isagoo sheegay in aanu istaahilin soo dhoweyn Netanyahu oo caruur iyo haween ku xasuuqay marinka Gaza aysana ahayn in la ilaawo ficiladii uu ku kacay.