Xildhibaan ka badbaaday weerarki Hotel Ambassador oo ka sheekeynaya wixi uu indhihiisa ku arkay

0
485

Muqdisho(INO)-Mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka mid noqday dadki ka badbaaday weerarka hotel Ambassador ayaa ka warbixiyey sidi uu u dhacay weerarka.

Xildhibaan Cabdillahi Xaji Dayib ayaa sheegay in qaraxyada oo ahaa laba ay kusoo beegmeen waxyar uun ka hor xilliga salaada maqribka, iyadoo qarraxa koowaad uu ka dhacay dhinaca laamiga ee ku beegan afaafka hore ee hoteelka.

’’Qolkaan ku jiray abaaro 5:30-ki galabnimo camal ayaa qarax weyn soo dhacay dhanka laamiguu kasoo dhacay, albaabki iyo daaqadi oo duulaya ayaa iga hor yimid kadibna qarrax labaad ayaa dhacay. Qaraxi labaad ayaa kadibna dad badan ayaa dhintay waxaana dadka ugu badnaa ee dhintay ay ahaayeen dadki banaanka marayey.’’ Ayuu yiri xildhibaanka oo saakay la hadlay idaacada VOA.

Dhanka kale labada xildhibaan ee ku dhintay weerarki shalay ayaa waxa ay ka mid ahaayeen aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ka soo laabtay dalka Ingiriiska, si ay uga qeybgalaan dib u dhiska dalka.

Xidhibaanad Faduma Xasan Cali, oo aad u taqaanay labada marxuum ayaa sheegtay in xildhibaan C/llaahi Jaamac Kabaweyne uu u tagay hotelka, si uu u soo booqdo xildhibaan Maxamuud Maxamed Guure oo yara xanuunsanaa.

Waxay sheegtay in sida ay xogta ku heshay labadaba lagu dilay qolka uu hoteelka ka daganaa Xildhibaan Guure.

Labada mudane ayaa waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho, iyadoo aaskoodana ay ka qeybgali doonaan madaxda dalka.

Wali waxaanan meel u dhicin xaalada hotel Ambassador, waxaana gudaha hotelka laga maqlayaa rasaas teel teel ah iyo qaraxyo loo maleynayo in ay is weydaarsanayaan ciidamada dowlada iyo kooxda weerarka ku qaaday.

Idale News Online, Muqdisho