Xildhibaan Fowsiya oo wadda qorshe ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheikh & mowjado siyaasadeed

0
230

Muqdisho(INO)-Xog hoose oo aan ka heleyno Siyaasiyiin ku dhow dhow Wasiiradii hore ee arimaha debeda Somalia ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegay inay ku howlan tahay sameynta Xisbi la loolama Siyaasada Madaxweyne Xassan Sheekh.

Xisbigaani oo aan weli helin magaciisa, ayaa waxaa la tilmaamayaa inay kamid yihiin xubno Kuraas ka waayay Xukuumada Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Xildhibaano badan oo iminka ka tirsan BF Somalia.

Ujeedka Xisbigaani ayaa waxaa lagu sheegay in Fowsiya ay uga faa’iideysaneyso Hiigsiga cusub ee 2016-ka waxaana kamid ah xubnaha ugu magaca dheer Wasiirkii hore ee wasaarada Arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre.

Madaxweyne Xasan ayaa dhex dabaalanaaya Mowjado Siyaasadeed waxaana iminka kusii xoogeysanaayo Xisbiyada ay ku midoobayaan Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Siyaasadiisa, waxaana suuragal ah in dhamaadka sanadkaani ka hor uu la kulmo caqabado.

Tan iyo markii Xukuumada Somalia loo magacaabay Ra’isul wasaare Cumar, ayaa waxa soo ifbaxay Siyaasado muujineysa in Madaxweyne Xassan uu wayay garbihiisa Siyaasada dalka ku wehlinaayay.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here