Xildhibaan Eng. Ibraahim Cali Cumar Sheegow Oo Deeq Daawooyin Ah Gaarsiyey Cusbitaalka Degmada Baraawe

0
321

Baraawe(INO)- Xildhibaan Eng. Ibraahim Cali Cumar Sheegow oo Ka tirsan Baarlamanka  Soomaaliya, isla Markaana Ka Soojeeda Gobolka Shabellaha Hoose gaar Ahaan Caasimada KG Soomaaliya ee Baraawe ayaa Deeq Daawooyinka ahi Gaarsiyey  Cusbitaalka Guud Ee Baraawe.

sheegow

Cusbitaalka Degmada Baraawe Ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa ah Cusbitaal weyn una baahan dayac tir iyo daawooyin, iyadoo aysan jirin Ilaa iyo haatan wax hay’ad ah oo gacan ka geysta dhanka daawooyinka ayaa wuxuu xildhibaanku balan qaaday in isbedel dayac tir ah lagu sameyn doono, daawooyina la gaarsiin doono iyo qalabka kale ee isbitaalka muhiimka u ah

Daawooyinkaasi   oo ay  Gaareyeen 20 Kartoon ,isla markaana  waxaa la socda ilaa 100 bustayaal oo loogu tala galay bukaanada  ku jira Cusbitaalka Degmadaasi.

Xildhibaanka ayaa waxaa laga wareystay deeqdaasi daawada ah ee Cusbitaalka Baraawe lagaarsiiyay, Waxana Uu sheegey in Deeqdan ay tahay mid Bilow ah, sidoo kale  Jaaliyadaha  Baraawe  5ta Qaaradood ee Dunida Ay ku soojiraan Wax u qabashada dadka Tabaaleysan iyo Kuwa Ku dhibeynsan Gudaha Cusbitaalka Degmada Baraawe.

Ugu Dambeyntii Xildhibaan Eng. Ibraahim Cali Cumar Sheegow,Waxa uu baaq dheer u direy dowlada Soomaaliya iyo Hay’adaha Ka shaqeeya Dhanka caafimaadka in Si deg deg ah Ay u gaaraan Magaalada Baraawe,isla markaana  waxa uu rajo weyn ka muujiyey In la daboolo Baahiyaha Caafimaad Ee  ka jira degmada Baraawe.

Idale News Online, Baraawe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here