Xildhibaan C/llahi Maxamed”Axmed Madoobe Waxa Uu Iminka Gurtay Mirihii Qaraarnaa Ee Uu Abuurtay”

0
253

Muqdisho(INO)-Xildhibaan C/llahi Maxamed oo kamid ah Muudanayaasha BF ayaa ka hadlay Mooshinkii mira dhalkiisu noqday burburinta Baarlamaanka Jubbaland, waxa uuna sheegay inuu filaayay in Mooshinka uu hirgali doono.

baarlaman

Waxa uu tilmaamay in dantii laga lahaa Mooshinkaasi uu ahaa in Hogaamiyaha Jubba iyo Maamulkiisa lagu baro waxa uu yahay sharciga iyo awooda BF Somalia.

Waxa uu sheegay in Somalia aysan ka arrimin Kenya iyo Ethiopia taasina ay ka turjuumeyso in Mooshin la horkeena BF aysan hor istaagi Karin Dowladaha uu garabsanaayo Axmed Madoobe.

‘’Axmed Madoobe haku sabro waxyeeladii Baarlamaankiisa kasoo gaaray BF Somalia. waayo waxa uu diiday in laga wada xaajoodo awood qeybsiga diidmadiisu waxaa ka dhashay khasaaro dhaliyay in waxkama jjiraan laga dhigo Baarlamaankiisa. Waa inuu ku waano qaata awooda BF Somalia’’

Xildhibaanada Jubbaland ayuu sidoo kale ugu baaqay inay soo dhistaan Baarlamaan ka duwan kan iminka la fashiliyay waxa uuna ka digay in beel gaar ah looga eexdo beelaha kale ee dega Deegaanada hoostaga Jubbaland.

DF gaar ahaan Madaxweyne Xassan iyo Gudoomiyaha BF Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayuu kaga digay inay faragaliyaan Mooshinka hirgalay.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here