Xildhibaan Cananuug oo sheegay in shirka Baydhabo ka socda yahay mid waafaqsan dastuurka dalka & Rabitaanka shacabka

0
187

xildhibaano168Xidlhibaan Caananuug oo ka tirsan xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ayaa shirka Baydhaba ka socda ku tilmaamey mid waafaqsan dastuurka dalka isla markaasna sheegay in uusan isku dhac iyo cadaalad daro abuuri doonin, waxuuna sheegay inuu  rajo fiican ka qabo in shirkaasi guuleysanaayo.

Xidlhibaanka ayaa waxba ka jiraan ku tilmaamey  maamulka kmg ee Jubba iyo heshiiska Addis Ababa, isagoo sheegay in dhismaha maamulka Jubba  uusan ku imaan rabitaanka shacabka deegaanada koonfureed, balse faragelin shisheeye iyo rabitaan shaqsiyaad gooni ah lagu dhisay, sidaasi darteed aan la ogolaan karin in masiirka dadka koonfureed gacanta loo geliyo shaqsiyaad iyo maamul aysan raali ka aheyn. Shirka Baydhaba ka socda uu yahay mid inta badan ergooyinka lixda gobol ee koonfureed ay u fadhiyaan si wax ay dadku raalika wada yihiin halkaasi ugu soo baxaan.

Ugu danbayntii wuxuu xusay Xildhibaanka inaysan cidi hor istaagi karin rabitaanka dadka deeganada Lixda gobol ee Koonfur galbeed Maamul u dhisanaya.

Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xili Baydhabo ay ka soconayaan shirar la doonayo in maamul loogu dhiso gobolada Koonfureed ee Soomaaliya kaasoo bilihii u danbeeyay si xowli ah uga socday gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

 Xasan Baasha, Xafiiska Idale News Online, Koonfur Galbeed, Somalia